Saturday, June 20, 2015

Mucjisada tirada 7-ka

Maxaad Ka Ogtahay Sirta Ku Jirta Tirada Toddobadu(7)..?

Haddaba marka aad eegto ama aad u fiirsato xikmada ku jirta tirada Toddoba (7) waxay ku tusinaysaa  tiradani inay mucjiso ku gadaaman tahay iyo xikmad Rabaaniya,  tusaale ahaan haddaanu u soo qaadano xikmadaha ku jira tirada Toddoba (7) waxaynu odhan karnaa waa sidan:-
Cibaaddada
1.        Ma ogtahay in Qur’aanka lagu sheegay (7) sabuul.
2.        Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) sac.
3.        Ma ogtahay in quraanka lagu sheegay (7) malag “Jibriil ,Makahiil,Israafiil ,Rudwaan ,Maa’lik ,Mu’kar,Ma’kiiyr”
4.        Ma ogtahay in quraanka lagu sheegay (7) Cadaabood “Jahanama, Jaxiima, Saciira, Saqara, Sam-hariira, Xudama, Haawiya”
5.        Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) Jano “Fardowsa,Cadni,Naciima,Mawa,Rowda,Riyad,….”
6.        Ma  ogtahay in quraanka lagu sheegay (7) samo
7.        Ma ogtahay in qur’aanka uu yahay (7) jalaad (Dhawaaq)
8.        Ma ogtahay in Alle kaa xaaraatinimeeyey inaad  guursato  (7) dumar ah “ Mushrikada,Gabadhaada hadii aad furtay sadddxdii dalaaqadood, Afar dumar ah hadaad qabtid ta-shanaad, Gabadha Nin kale uu qabo, Gabadha aan cadad bixin, Gabadhaadu inantay wadatay, laba dumar ah oo wallaalo ah isku mar inaad guursato”
9.        Ma ogtahay in Alle kaa xaaraatinimeeyey guurka  (7) dumar oo ka mid ah qoyskaaga “Hooyadaa, Walaashaa, Habaryartaa, Edadaa, Walaashaa xaga-hooyo, Walaashaa xaga-aabo, Inanta naaska wada jaqdeen”
10.     Ma ogtahay in Alle kaa xaaraatinimeeyey  guurka (7) dumar oo kamid ah Ehelkaaga “ Inantaada, Inanta inankaagu dhalay,Inanta ay inantaadu dhashay, Ayeydaa xaga aabo, Ayeydaa xaga hooyo ,Inanta aad abtiga u tahay, inanta aad adeerka u tahay”
11.     Ma ogtahay in Alle kaa xaaraatinimeeyey guurka (7) dumar oo ka mid ah Qaraabadaada “ Sodohdaa, Gabadha  inankaagu qabo,  Inaadeertaa, habar-wadaagtaa, Aayadaa aabo, gabadhaada habar-yarteed, gabdhaada Ededeed
12.     Ma ogtahay in salaada ciida la aqriyo takbiirta (7) jeer.
13.     Ma ogtahay xajka marka la dawaafayo lagu wareego (7) jeer.
14.     Ma ogtahay in buurta safwa orod lagu maro (7) jeer.
15.     Ma ogtahay marka dhagax- tuurashada  ay tahay (7) jeer....
16.     Ma ogtahay in ilmaha lagu amro salaadaiyo Tarbiyada  marka ay gaadhaan (7) jir.
17.     ma ogtahay in marka uu ilmu dhasho loo wanqalo  maalinta (7) aad
18.     Ma ogtahay in jireen mucjisooyinkii ugu weynaa ay ahaayeeny (7) Mucjiso (Nabi adan, Xawa, Nabi Ciise, Ushii nabi Muse, Hashii reer Tamuud, Wankii Nabi Ismaciil  iyo dhalinyaradii Yoomul kaaf)
19.     Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay  (7) nin “Abiilahab ,Qaaruun ,Haaman ,Saamiri ,Fircoon ,Aasar ,Nabruud”
20.     Ma Ogtahay in gabadha Waligeedu yahay (7) qof, aabaheed, Wallaalkeed, wallaalkeeda xagga aabo, Wallaakeed xagga hooyo, awowgeed, Abtigeed iyo Inan ay dhashay (Haddii  uu jiro)
Cimilada iyo Deegaanka
21.     Ma ogtahay in qaaradaha dunida ay yihiin (7) qaaradood
22.     Ma ogtahay in dhulku uu yahay (7) arlo
23.     Ma ogtahay in badaha  ay yihiin (7) badood (Pacifica an ,Atlantic Ocean,Black sea,Red sea,Meditareine sea,Cranbian sea,Indian Ocean)
24.     Ma ogtahay in Ciidu ka kooban tahay (7) Ciidood (Sands,Cemet,Paints,Hematite’ metal,Uranium,Calcium carbonate,Orum;Gold’)
25.     Ma ogtahay in Macdamaha dhagaxaantu` ka kooban yahay (7) Dhagax Gum Stones“Ruby, Diamond, Blue panel, Green panel, Amoral,Topaz, sphere”
26.     Ma ogtahay Dhagaxu ka kooban yahay (7) Nooc “Quarts ( sand),Halite (Cusbo), Calcite(nurad), Gypsum(Dhagax), Pyrite(Bir), Diayone(carbon), Feldspar”
27.     Ma ogtahay  in dabayshu ka kooban tahay (7) dabaylood “Flurries (fore),Scattered tunder storm(dufan), Humid air (dhado), Cooler air(dhaxan), Muggy air(ceeryaan), Dry -air(dheel),Sunny air(hanfi)”
28.     Ma ogtahay in Roobku ka kooban yahay (7) Nooc (Rain, Trace rain, Shower(mayey), Tunder and storm rain(mahigan), Haze/hail, Snow-rain, Snow-shower)
29.     Ma ogtahay in midabada qaanso roobaadka ay yihiin (7) midab.
30.     Ma ogtahay maalmaha Todobaadku in ay yihiin (7) maalmood.
31.     Ma ogtahay maalmaha todobaadku in ay leeyihiin (7) Astaamood “ Maanta, Ba’ri, Shalay, Doraad, Sahandanbe, Saakuun, Sidataal”
32.     Ma ogtahay in ay jiraan (7) Midab
Todobada Meeraha
33.     Ma ogtahay akhristow in dayaxa uu sameeyo bishii (7) wareeg.
34.     Ma ogtahay in meeraha inta la arki karaa ay tahay (7) (Sun, Moon, Mercury, Venus, Mars, Jupiter and Saturn).
35.     Ma ogtahay in dayaxa-xiliyada Guga uu marro  (7) God ee Raqaha.
36.     Ma ogtahay in dayaxa-xiliyada Xagaa uu marro  (7) God ee Dirir-sagaalood.
37.     Ma ogtahay in dayaxa-xiliyada Deyrta uu marro  (7) God ee Daalalo.
38.     Ma ogtahay in dayaxa-xiliyada Jiilaalka uu marro  (7) God ee Cirir.

Todobada Cibaadada iyo Dhaqanka
39.     Ma ogtahay akhristow in lamaaha is guursada ay (7) galaan
40.     Ma ogtahay in dhaqanka carabtu ay u bixiyaan ilmaha ku dhasha mucjisada (7) Sabca
41.     Ma ogtahay in aduunka ay jiraa (7) Diimood “Buddhism, Christianity, Islam, Confucianism/Taoism Chins Religious, Judaism (Jewish People), Shinto’s (Japans Religious), Hinduism”
42.     Ma ogtahay in ay leeyihiin Diimahaasi (7) Macbad“Temple’s, Charge, Mosque, Synagogues, Monasteries,  iec”
43.     Ma ogtahay in ay leeyihiin Diimahaasi (7) luuqadood
44.     Ma ogtahay in ay leeyihiin Diimahaasi (7) Calaamadood“Wheel of the law, Latin cross, Star and crescent, ying-yong, Star of David, Tar tin-gate way, Om-or Barahma-Atam hindu”
45.     Ma ogtahay in dhawaaqa qalab ciyaareedku(Music) ka kooban yahay (7) cod “'do', 're', 'me', 'fa', 'so', 'la' and 'te'.
46.     Ma ogtahay in ka hor curashada Guga inuu da’o Roobka Todobka la yidhaa (7) maalmood
Todobada Meertada Nolosha
47.     Ma ogtahay in Midabada Wajiyada dadku ka kooban yihiin (7) Nooc “Negero,Semetic,Mulato, Indo-European, Hemi tic, Red-indians, Asiatic.)
48.     Ma ogtahay Gacmaha Dadku inay yihiin(7) Nooc “Philosophical Hand, Primary Hand, Square Hand, Spatulate Hand, Psychic Hand, Conical Hand, Mixed Hand”
49.     Ma ogtahay Gacmaha Dadku inay leeyihiin (7) Xariiqood “Head-line, Heart-line, Life-line, Health-line, Fate-line, Fame-line, Money-line”
50.     Ma ogtahay Tayada Xarriiq kasta ee Gacmaha Dadku inay yihiin (7) Nooc
51.     Ma ogtahay in makaanka dhererkiisu yahay (7) cm
52.     Ma ogtahay in Makaanku u Ooyo  inuu uuraysto (7) Cisho
53.     Ma ogtahay in ilmaha ishinkiisu u buuxsamin uu ku dhasho (7) bilood
54.     Ma ogtahay akhristow taabasha eyga la meyro (7) jeer.
55.     Ma ogtahay in  Dadka maskaxda badani ay  leeyihiin (7) arimood “focus faculty ,image faculty, dark faculty, time faculty, motive faculty, I-Am faculty and Light faculty”
56.     Ma ogtahay in Qiimeynta pH-ka sida caadiga ah waxa u dhaxeeya ku noqoshada acidity and alkalinity waa (7).
57.     Ma ogtahay in lafaha aadamuhu u qayb-samaan (7) qaab “Spine and Vertebral column(26), Cranium(8),Face (14), Hyoid bone, sternum and Ribs(26), Upper extremities(70), Lower extremities(62)”

Todobada Dhirta

58.     Ma ogtahay Dawooyinka Dhirta ee ugu qaalisani ay yihiin (7) Geed “Toon, Xabaasuud,Xildiid,Sinjibiil,Fil-fil,Shanfax, Saliid seed.

___________________________
Mohamed Ali Elmi
___________________________
Phone +252634353638
msaxane17@gmail.com
WhatsApp, Viber, imo
+252634353638
Skype: Mohamed-ali188
Twitter: @msaxane
Instagram: msaxane7
Site: www.indheergaradka.blogspot.com
________________________________

Xanuunka Gaasterida (gastritis)


Gaasku (gastritis)  waa xanuun badanaa somaalida aad u sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sababood oo kala ah:

# Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
# Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.
# Aalkolo cabbid
# Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabaa wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

# Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
# Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)
# Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
# Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
# Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
# Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
# Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
# Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
# Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaasku wuu leeyahay calaamadaaan)

Qofku wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofku hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.
Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ku dhisi kara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.
Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano "Helicopacter Pylori", hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

Talooyin:
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan
iyo wixii la shiilay oo idil
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkan qabto).
# Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli karta, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifsan rabto, waxaad
cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aashitada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofku wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqotay, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa ku badiyay cudurkan Soomaalida?
Waa su'aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudurkan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.


Mucjisada Caafimaad Soonka

Diinta Islaamka oo caqiido dhab ah, ayaa waxay ku caan baxday ilaalada masaalixda aadamiga. Arintaas waxay ku soo koobtay, qof kasta oo ku abtirsada bulshada aadamiga, in la dhowro hantidiisa, sharafkiisa, naftiisa wakhtigiisa iyo caafimaadkiisa. Wax kasta oo dhaawac u geysanaya mid kamid ah arimahaas, diinta Islaamku waa ay reebtay. Waxay ka dejisay xeerar adag oo ilaalinaya inaan lagu cayaarin. Islamarkaa Islaamku wuxuu soo dhoweeyay wax kasta oo arimahaas hagaajinaya. Bal cibaado ayuu ka dhigtay, Eebe xaggiisa lagaga helayo dhowaansho iyo abaal-gud. Caafimaadka jirka aadamiga, waa maslaxadda 1-aad oo diinta Islaamku ay qofka iyo bulshada u ilaalisay. Nicmadaha Eebe uu ku manaystay aadamiga, midka ugu hilan culus waa caafimaadka. Sidaa darteed in la dhowro waa waajib uu islaamku goor hore dalbay. Ilaalada caafimaadka, danta laga leeyahay waxay tahay in qofku uusan gabin ujeeddadii loo abuuray ee keentay uunka, taas oo ah, fal cibaado iyo mid cilmi ah in uu ku camiro dhulka. Si haddaba loo dhowro nicmaddaas milgaha weyn, Eebe wuxuu inoo dooray waddadii lagu ilaalin lahaa. Soonka bisha Ramadaan ayaa wuxuu yahay cibaado kamid ah tiirarka lagu joojiyay waajibaadka diinta Islaamka. Islamarkaa, soonku waa mashruuc culus oo ilaalinaya caafimaadka qofka iyo bulshada. Waxaa la ogaaday in caafimaadka qofku, uu la xiriiro hab-dhaqameedka uu ku nool yahay. Talooyinka taraakhiitarta, howlaha kalkaaliyayaasha, qalabka loo adeegsado daweynta, dawooyinka iyo hay'adaha caafimaadka, ilaha ka hor-tagga cudurada, dhamaantood doorka ay ka qaataan caafimaadka qofka iyo bulshada, ma dhaafsiisna 80 %. Bulshada aqoonta leh, xubnaheeda waxay ka caafimaad badan yihiin bulshada aqoonta liidata. Bulshada hodanka ah, waxay ka caafimaad sareysaa bulshada saboolka ah. Bulshada baraaruggeedu sareeyo, waxay ka caafimaad wanaagsan tahay bulshada huruda. Run-badanaha aanan weedhiisa la beenin, Suubane Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), goor hore ayuu inoo tilmaamay xiriirka adag ee ka dhexeeyo soonka iyo ilaalada maslaxadda caafimaadka. Isagoo arinkaa ka hadlaya, wuxuu yiri : " Sooma' aad caafimaaddeene ". Weedhan kooban waa ooraah-cilmiyeed. Si xooggan ayay u tilmaamaysaa dhab ahaanta risaaladda uu la yimid adeegaha Eebe Maxamad (sh.n.d.a.). Ereygaasi maahan ooraah ka iman karta qof aan wax akhriyin waxna qorin. Sidaa darteed ooraahdan, waa mid dhoobo afka kaga dhufanaysa kuwa xaasidnimada iyo xiqdiga u geeyay in ay ku hadaaqaan in nebigii islaamka aanan laga dhaxlin wax kheyr ah iyo wax caqligu waafaqo. Ooraah kooban weeye oo kheyr badan xambaarsan, islamarkaa ku dhisan aqoon asraarteeda la ogaaday qarnigii 20-aad. Noolaleyda bahaahimka ah ee dhulka nagula nool ayaa ka markhaati kacaya in soonku yahay risaalad xagga Eebe ka timid. In uu yahay nadaam sanadle ah, ee lagu ilaalinayo masaalix badan oo caafimaadku u horeeyo. Nadaamka ah raashinka oo xilli laga soomo, maahan mid ku eg aadamiga oo keliya. Bal xayawaan badan ayaa nala wadaaga caadadaas qiimiga badan. Dadka u kuurgala aqoonta barashada buubaaleyda, waxay ogaadeen, qaar badan oo shimbiraha kamid ah, in ay soomaan. Waxay caddeeyeen in shimbirahaasi ay leeyihiin caado sanadle ah, taas oo ay ku joojinayaan raashinka ay qaataan. Iyada oo markaas ay jirto in ay heli karaan raashinkii ay cunayeen, ayay muddo ka hakadaan in ay miraha cunaan. Sidoo kale, waxaa la helay kalluun ku nool moolka badaha iyo kuwo kale oo ku nool webiyada. Iyaga qudhoodu waxay leeyihiin xeer lagu soomo. Markaas ay soomayaan, waxay aadaan ciidda badda ama webiyada salkooda ah. Halkaas ayay isku aasaan oo ay muddo ku soonaadaan, iyada oo hareerahooda ay buuxaan quutkii ay calfan jireen. Soonkaas ay xooluhu nala wadaagaan, waxaa nala wadaagey ummado badan ee naga horeeyay. Kuwo badan oo naga danbeeyana waa ay jiri doonaan, kuwaas oo xambaara risaalada soonka ee waajibka ah. Maslaxad ruuxi ah, mid nafsi ah iyo mid bulshadeed ayuu soonku xambaarsan yahay. Midda caafimaadka oo qof kasta si gaar ah u taabanaysa, ayaa casharkan inaga khuseeya. Xilli hore ayuu aadamigu ogaaday in calooshu tahay hooyada cudurada. Waa xubin xarun u ah wax kasta oo dibadda ka imanaya oo u gudbaya jirka gudihiisa. Waxaa caloosha ku hakada raashinka la cuno iyo biyaha la cabo. Gudaheeda waxaa ka dhaca howlo qallafsan oo lagu dhaqan rogayo dhisma-hoosaadka raashinka la quuto iyo cimiladiisa. Hannaankaas ayaa loo yaqaan Dheef-shiid (Digestive System). Raashinku markuu dhaafo dhuunta iyo hunguriga, waxaa howlihiisa la wareegaya awood ka baxsan dareenka qofka. Marka horeba waxaa u furmaya albaabka kore ee caloosha (cardiac sphincter). Waxaa xusid mudan, in albaabka uu xirmanayo markii qeyb raashin ahba ay gudbaan. Haddii taasi la waayo, raashinkii la dhunjiyay, wuxuu dib ugu soo laabanayaa hunguriga iyo dhuunta. Dabadeedna afka ayuu ka soo qubanayaa. Quutkii qofku dhunjiyay, wuxuu gaarayaa caloosha. Waxaa markaas ku soo qubanaya dheecaano (Enzyms) ka imanaya qanjirro yar-yar oo caloosha gudaha iyo debadda kaga rakiban. Waxay qayb ka qaataan dhalan-rogga raashinka (Metabolism). Waa ay jejebinayaan, si markaas uu raashinkii u noqdo mid unugyadii jirka ay ka faa'iideysan karaan. Dheecaanada caloosha waxaa lagu magacaabaa Hydrochloric Acid ama Gastric Acid. Tirada noocyada, tayada iyo mugga dheecaanada, maahan mid uu qofku ku xukumo dareen iyo doonis. Bal waxaa xukuma raashinka la qaatay noocyadiisa, tayadiisa iyo muggiisa. Howsha dheecaan qubashada ayaa culimadu waxay u yaqaaniin Involuntary Reflex Action. Dheecaanadaas, oo qofku uusan u lahayn awood uu ku xakameeyo, ayaa marar khalal galaa. Waxay soo qubtaan iyada oo calooshu ay maran tahay. Dhaawac culus ayay markaas u geystaan gidaarka (xuubka) gudaha ah ee caloosha. Raadka caafimaad oo soonka jirka ku reebo waxaa kamid ah, in uu hagaajiyo soo qubashada dheecaanadaas. Ivan Petrovich Pavlov, waa aqoonyahan u dhashay dalka Ruushka. Wuxuu waalid ka yahay aqoonta ku beegan dheecaanadaas iyo danqashada qanjirada ay ka yimaadaan. Tijaabo uu sameeyay qarnigii tegay bilowgiisii, ayuu ku guuleystay in uu soo bandhigo faallo la xiriirta dheecaamada caloosha ku qubto iyo in raashinka oo keliya uusan ahayn waxyaabaha sababa in ay soo qubtaan. Tijaabadiisii wuxuu u doortay ey uu qafis geliyay. Dabadeed halkaas ayuu muddo ku quudinayay. Markasta oo eyga uu raashin siinayo wuxuu ka hor marin jirey koor (gambaleel) uu yeersho oo eyga uu maqashiiyo. Markuu muddo sidaas ku waday ayuu eygii calooshiisii qalliin ku sameeyay. Wuxuu ku xiray tubo yar oo dibadda u soo baxsan, taas oo gaarsiisan gudaha caloosha. Afkii tubada ee dibadda yiil, quraarad ayuu la xiriirshay. Wuxuu helay, markasta oo oo koorta uu ka dhawaajiyo, in dheecaanadii ay soo qubanayaan, iyada oo aanan eygii la siin wax raashin ah. Waxaa halkaas laga ogaaday in ay jiraan cimilo aanan ahayn raashin la qaato oo dheecaanada ay ku soo quban karaan. Sanadkii 1904-tii, I.P. Pavlov, tijaabadiisaas ayuu ku qaatay shahaadada abaal-gudka ee loo yaqaan Nobel Prize. Caadada eyga calooshiisu baratay oo ah koorta ka horeysa raashinka, waxaa lamid ah, qofka caadeysta in uu wakhti go'an, sida joogto ah u qaato raashin. Tusaale quraac subaxdii ah, qado duhurkii ah iyo casho fiidkii ah. Markii sanooyin badan ay caloosha caynkaas barato, haddii uu jadwalkii xilliyada ii isbeddel ku yimaado, waxaa dhacaysa in dhacaanadii ay soo qubtaan, iyada oo calooshu maran tahay. Waayo qanjiradii ayaa caadeystay in xilligaas caloosha raashin ku soo dhacaan. Haddaba soonka wuxuu jebinayaa caadadaas rootiinka ah. Qanjiradii dheecaanada ayuu barayaa in eeyan dheecaan ku soo qubin caloosha, illaa uu raashin soo gaaro. Waxaa halkaas lagaga badbaadayaa cuduro badan oo caloosha iyo mindhicirka ku dhaca. Waxaa ugu culus cudurada xanuunka badan ee ah Gastritis iyo Ulcer. Soonku wuxuu kaloo qabtaa howlo la xiriira, in uu jirka ka fududeeyo haraaga raashinkii tamarta isu beddelay oo jirku adeegsaday. Haraagaas oo dufanku uu ugu milga culus yahay, ayaa jirka ku keena cuduro loo dhinto. Haddii uu dufanku is-biirsado, waxay xayiraan xididdada uu dhiiggu maro. Taasi waxay keentaa fal-celis halis ku ah xubnihii jirka iyo noloshii qofka. Waxaa kamid ah in dhiiggii xayirmay uu xididkii soo dhaafo oo dillaac yimaado, waxaa halkaas ka dhasha cudur uu kamid yahay Stroke (dhiig madaxa ku furma). Ama in dhiigga la xayiray xubintii uu ku socday oo uu gaari waayay, ay howl-gab noqoto. Halkaana waxaa ka dhasha cuduro uu kamid yahay Heart Attack (wadnaha oo joogsada). Gaajada soonka waxay geeri ku sababtaa unugyada gaboobay ee jirka. Markaas, jirka wuxuu fursad u helayaa in ay abuurmaan unugyo cusub, kuwaas oo ka fir-fircoon unugyadii uu jirku horey u sitay. Waxaa halkaas ku hagaagaya shaqadii ay hayeen dhamaan xubnaha ku rakiban jirka gudihiisa. Taasina, guud-ahaan ayay jirka waxay uga yeeshaa mid fir-fircoon. Halkaas waxaa ka soo baxa tamar dheeri ah oo qofka sooman uu dareemo markii ramadaanku dhamaado. Tamarta jirku ku shaqeeyo, ayaa is dhimeysa muddada la sooman yahay. Gaajada badan oo soonku wato, waxay sabab u noqonaysaa in jirku adeegsado tamarta brootiinka oo keydka ah, halka uu markiisii hore tamarta ka helayay maaddada carbohydrate-ka ee raashinka la socda. Sidaa darteed, waxaa loo baahanayaa in la adeegsado tamartii keydka ahayd. Markii ay martaan bakhaaradii keydka ku jirey, waxaa halkoodii soo buuxinaya keyd cusub oo jirka caafimaad u leh. Qofka sooman, maadaama uusan raashin qaadanayn, wuxuu ka nabad gelayaa cunnada xasaasiyadda keenta oo idil. Sidoo kale, haraadka bisha ramadaan, wuxuu wax-tar u leeyahay howsha culus oo wadnaha oo jirka ka qabto. Waxaa jirka ku yaraanaya biyihii la cabayay, sidaa darteed waxaa is-dhimaya biyihii jirka ku jirey. Culeys badan ayaa wadnihii ka degaya oo nasasho ayuu helayaa. Sidoo kale, cunnada laga soomay waxay caafimaad u tahay qofka qaba cudurka kaadi-sokorta (Diabets) iyo dhiig-karka (HBP). Raashinkii sababayay in cuduradaas ay qofka ku soo baxaan (sokorta iyo cusbada), ayaanan jirka soo gaarayn. Dadka cuduradaas qaba, soonka wuxuu uga dhigan yahay, takhtar daweynaya oo aanan kharash uga baahnayn, kaas oo sanad walba ay hal jeer la kulmayaan. Cayilka iyo hilibka culus oo qofka fuula, si gaar ah ayuu soonku u daweeyaa. Laakiin waxaa u shardi ah in raashinka la cunayo habeenkii uu ahaado mid isu dheelli-tiran. Islamarkaana socodka la badsado. Sidaas ayaa bisha Ramadaan ay ku noqotay bil caafimaad. Bil xasilooni iyo farxad. Laakiin sida dad badan oo sooman ay u waayaan ajarkii bisha, ayaa dad badan waxay u waayaan caafimaadkii bisha. Suubanihii oo arintaa inoo tilmaamaya wuxuu yiri : " Badanaa mid sooman, kaas oo aanan soonkiisii ka heleyn wax dhaafsiisan gaajo iyo haraad ". Anshaxa xumi oo ay kamid yihiin beenta, xanta, dira-dirada, xatooyada, cayda, faduusha, waxay qofka ka hor is-taagaan in uu helo abaalkii soonku lahaa. Waxaa lamid ah xad-gudubka raashin-qaadashada bisha Ramadaan, fadhiga badan iyo hurdada dheeraadka ah ee maalinta Ramadaanka, waxay hoos u dhigayaan faa'iidadii caafimaadka ee laga sugayay soonka. Jirka muddada uu hurdo uma baahna tamar badan oo uu bixiyo. Sidaa darteed, dadka hurdada ku dhamaysta bisha Ramadaan, waxay iska hor-joogsadeen faa'iidadii ugu hilan cuslayd ee soonku lahaa. Taas oo ah, in jirka laga nadiifiyo walxaha haraaga ah ee ku keydsan oo ay ugu horeeyaan sokorta, dufanka iyo brootiinka. Waxaa halkaas ku cad qiimiga ay leedahay ooraahdii suubaneheenii Maxamad (sh.n.d.a.) ee ahayd (Sooma aad caafimaaddaane). Waxaa kaloo ku cad, in ooraahdu tahay risaalad looga soo dhiibay xagga Eebaha xeer dejiyaha, wax walba ogaha, la keli noqday saamiga iyo talada. Suuradda Al-Baqara, aayadda 184-aad, waa aayadda xustay waajibnimada soonka. Aayadda xigta (185-aad), waxaa lagu xusay dad loo cudur daaray oo dhibaato haysa darteed looga saamaxay in ay soomaan bisha Ramadaan. Isla aayaddaas dhamaadkeeda ayaa Eebe wuxuu ku leeyahay hadal macnihiisu yahay sidan : " ……………. inaad soontaan ayaa idiin wanaagsan, haddaad tihiin kuwo wax garanaya ". Xataa haddii uu jiro cudur-daar lala afuro, waxaa u wanaagsan qofka in uu soomo. Waayo soonka isaga ayaa caafimaadka xoojinaya, cuduradana ka hor-tegaya. Eebow adigaa ku mahad leh nicmadahaaga aan la koobi karin. Adigaa ku mahad leh diintaada aad nagu galladday. Adigaa ku mahad leh inaad noo dooratay umaddii nebigaaga Maxamad ah (sh.n.d.a.).